Wararka laga helayo degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaaya in saakay meydadka saddax qof oo haween ah lagu arkay Waaxda Kor-damac ee qeybta War-laliska degmadaasi.
Dadka degaanka ee saaka aroortii arkay Meydadka haweenkan ayaa sheegay in jirkooda ay ku yaalla rasaas badan, ayna ka muuqatay in si xun loogu dilay, iyadoo la aqoonsan waayey haweenkaasi oo dad badan ay isugu baxeen goobta meydkooda lasoo dhigay.
Hay’adaha Amniga ayaan wax war ah kasoo saarin falkan dilka ah iyo meydadka lasoo dhigay xaafadda ka tirsan degmada Deyniile, waxayna arirntan imaaneysaa iyadoo shalay aroortii sidan oo kale meydadka afar qof oo rag dhalinyaro ah lasoo dhigay degaanka Siinka Dheer.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay haweenka la dilay ee meydadkooda la arkay ay ka tirsanaayeen shaqaalaha wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya.
Ma jiro cid sheegatay inay ka daneysay dilalka dadkan iyo sababta loo dilay midna, waxayna cabsi ku abuureen dadka degaanada ayay falalkani ka dhaceen.
