Magaalada Jigijiga waxaa ka socda banaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo dad Soomaali ah oo ay leysay maleeshiyada Oromoda, kuwaasoo meydadkooda la keenay magaalada.
Dadwey ka ka careysan dilka lagulka kacay in ka badan 10 qof oo Soomaali, kuwaasoo ay laayeen Oromada ayaa la sheegay in lagu dilay degaanka Tuli-Guuleed, waxaana meydadka dadkaasi loo soo qaaday magaalada Jigjiga.
Dadka isu soo baxay ayaa dalbanaya inaan la aasin meydadka dadka la laayey ee Oromodu dishay inta looga aarayo. waxaana kumanaan qof ay buux dhaafiyeen Isbitaalka weyn ee magaalada,
QAAR KA MIDA DADKA LA DILAY MAGACYADOODA WAXAY KALA YIHIIN:
1. Cabdisalan Mohamed Mohamud
2. Cabdikhadar Mohamed Haji
3. Ahmed Aw Mohamed Nuur
4. Cabdulaahi Yuusuf
5. Cabdi Nuur Muuse
6. Ismaacil Mohamed Ali
7. Xasan Cabdi Ducaale