Guddoomiyaha degaanka Halgan Guhaad Cabdi Warsame ayaa sheegay in maleeshiyada Alshabab laga dilay uu gaarayo 200. “95 maleeshiyo ayaan tiriyay markaas kadib ayaan iska joojiyay meydadka meesha yaala waa ka badan yihiin 200” ayuu yiri Guhaad oo intaas ku daray in dadka Shacanka ah qasaaraha soo gaaray uu yahay qof dumar oo dhimasho ah iyo 9 dhaawac ah.
Guddoomiyaha degaanka Halgan ayaa sheegay in dagaalku socday 50 daqiiqo oo qasaare ba’an loogu geystay Alshabaab, isla markaana loo laayay sida beer Yaambo la geliyay oo kale sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray in dhaawacyadii Alshabaab la dhameystirayo.
DHAGEYSO GUDDOOMIYAHA HALGAN
Goobjooge.com