Friday, July 18, 2025

Meydka Aamina Cabdi oo Janaasada lagula tukaday Garoonka Muqdisho iyo Madaxda ka qeyb gashay

Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho Duhurnimadii maanta laga soo dejiyey meydka Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo xalay qarax is-miidamain ahaa lagu dilay magaalada Beledweyne.

Salaad janaaso ah ayaa agroonka lagula tukaday marxuumadda, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin: Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyihii Baarlamaanka 10-aad Maxamed Mursal Sheekh, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Isla galabta ayaa la filayaa in marxuumad Aamina lagu aaso magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa lagu khaarijiyey iyo dilkeeda uu dhaliyey shaki iyo tuhun badan oo ku saabsan cidda ka danbeysay dilkeeda iyo ujeedka laga lahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON