Thursday, June 26, 2025

Meydkii labaad oo lagu arkay Xaafad kale oo ka tirsan Magaalada Muqdisho & Xaalad Cabsi ah oo ka dhalay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meydii labaad maanta lagu arkay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sida loo dilay dadkaasi.

Meydkan ayaa lagu arkay Xaafada Maxfalka degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo dadka degaankaasi ay garan waayen. Warar ayaa sheegaya inuu ninkan oo 50 sano jir ahaa uu is daldalay, isagoo arrimo dhibaato qoys ah ay ku furnaaayeen.

Meydka ayaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu noqonayo meydkii labaad ee maanta lagu arko xaafadaha Muqdisho, kadib markii isla saaka xaafadda Cali Turcaaye ee suuqa xoolaha lagu arkay meydka nin halkaasi lasoo dhigay.

Meydadkan ayaa cabsi ku abuuray dadka degaanada lagu arkay meydadkan, waxaana dadka ku xoomay aqoonsigooda laga waayey qof garta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON