Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si weyn ugu farxay in haweeney labaad ay ku guuleysato kursi ka mida Aqalka Sare.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Micheal Keating ku sheegay inuu si weyn ugu farxay guusha ah in Baarlamaanka Galmudug uu sanatoorad u doorto Jawaahir Axmed Cilmi.
Waa taageeradii labaad iyo hamblayo uu ergeyga Qaramada Midoobay si gaara ugu diray xubanaha haweenka ah ee loo doortay kuraasta Aqalka Sare, wuxuuna intaas ku daray in ilaa iminka 8 kursi oo la doortay ay laba ka mida haweenku heleen.
Beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa si aan hore loo arag ugu ololeneysa qoondada haweenka ka helayaan labada aqal ee Baarlamaanka xilli ay ka hor timid in la doorto hogaamiye kooxeedyadii hore iyo dadka dagaalada ka qeyb qaatay.
Delighted that Galmudug has elected Jawahi Ahmed Cilmi as Senator. So far two of eight GD seats occupied by women. pic.twitter.com/nYgxgn2KGX
— Michael Keating (@SRSGKeating) October 16, 2016
Goobjooge.com