Tuesday, July 15, 2025

Mid ka mida ergadii dooratay Xidhibaan C/llaahi Goodax oo toogasho lagu dilay [Yaa ka danbeeyay?]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mid ergada dooratay xildhibaan C/laahi Goodax Barre toogasho lagu dilay.

Dilke ergayga ka tisan Beesha Agoon Cabdalle/ Xawaadle ayaa ka dhacay saaka Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde.

Wararka ayaa sheegaya in ninka la dilay Allaha u Naxariistee lagu Magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Cali, isagoo ka yimid magaalada Jowhar oo dhowaan lagu doortay xildhibaanka.

Falka dilka ah ayaa la sheegay inuu geystay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana la qabtay oo la xiray askariga dilka ku kacay.

Lama oga ujeeda keentay dilka, waxayse warar aan la xaqiijin sheegayaan in ergeyga uu diiday lacag uu ka dalbaday askariga, iyadoo lagu tebayo ergada doorashada inay lacago fara badan heleen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON