Kooxo hubeysan ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Nabaddoon Xasan Caddaan oo ka mid ahaa odayaasha magaalada Muqdisho.
Nabaddoonkan Xasan Caddaan ayaa dhaawac culus ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen kooxo ku hubeysan bistoolado, waxaana dhaawiciisa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasoo markii dambe uu ku geeriyooday.
Wuxuu ka mid ahaa Nabaddoon Xasan odayaasha loo xulay ergada ee soo xulaya Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ad
Goobjooge.com
Warar Xul ah