Tuesday, June 24, 2025

Mid ka mida Odayaashii ugu waaweynaa ee Saxafiyiinta Soomaalida oo geeriyooday.

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday oo maanta lagu aasay mid ka mida odayaashii ugu waaweynaa Warbaahinta Soomaalida Allaha u naxariistee Marxuum C/llaahi Maxamed Sheegow.

Wuxuu ahaa Radio Muqdisho kasoo noqday weriye, barnaamij, diyaariye, tifaftire, agaasimaha Radio Muqdisho, iyo weliba agaasimaha Wakaalada wararka Soomalaayeed ee SONNA. Wuxuu ahaa nin ku leh dowr weyn oo taariikheed hanaqaadka, horumarinta iyo dhiirrigelinta dhallinyarada saxaafadda Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa ninkii ay horfariisteen inta badan suxufiyiinta caanbaxday ee uu imitixaan ka qaaday, tababarna siiyay wixii ka dambeeyay 1970-kii.

Marxuum C/llaahi Sheegow wuxuu ahaa wadani run wuxuuna ilaa yaraantiisii ku soo barbaaray xisbigii gobannimada Somalia ee SYL. Wariyayaal badan ayuu soo barbaariyay intii ku soo jiray hawlaha warfaafinta, wuxuna ka mid noqday dadka aan dalka ka bixin xilliyadii dagaaladda sokeeye isagoo deganaa degmada Wardhiigley.

Marxuum Cabdullahi Sheegow wuxuu la shaqeeyay Hay’adda SAFER WORLD oo ku lamaaneyd Center for Research and Dialogue (CRD). Sheegow wuxuu ka mid ahaa dadka udub dhexaadka u ahaa dhismaha Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Koonfur iyo Bartamaha Somalia (SOCENSA).

Waxaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana tacsi u diray saxafiyiin, qeybaha bulshada rayidka iyo saaxiibo uu lahaa oo muddo dheer la soo shaqeeyay.

Allaah u naxariisto.. AAMMIIN

Marxuum C/llaahi Maxamed Sheegow.
Image may contain: 4 people, people standing, beard and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON