Allaha u naxariistee waxaa magaalada London xalay ku geeriyooday weriye caan ah oo muddo dheer kasoo shaqeeyay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Yoonis Cali Nuur ayaa ka mid ahaa werieyayaasha ruug-caddaaga ah ee ugu caanan Soomaalida, isagoo muddo 30 sano ka badan kasoo sahqeeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.
Yoonis ayaa xiliyadii dambe wuxuu ku noolaa magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland oo uu kasoo jeedo, waxaana Xaalad Cafimaad daro loogu qaaday magaalada London, halkaasii uu ku geeriyooday.
Yoonis Cali Nuur ayaa xilligan la taliye uu u ahaa Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliland. Alaha u naxariistee Yoonis Cali Nuur ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Radio muqdisho xiligii 1970-kii qiyaastii, isagoona kadib ku biiray Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.