Tuesday, July 15, 2025

Midowga Afrika & IGAD oo farageliyay Khilaafka Madaxda Galmudug & Xaaladda Cadaado

Urur Goboleedka IGAAD iyo Midowga Afrika ayaa ku biiray dadaalka loogu jiro xalinta khilaafka madaxda Maamulka Galmudug.

Wafdi isugu jira IGAD iyo Midowga Africa ayaa gaaray magaalada Cadaado shalay, iyagoo kulamo kala gooni ah xalay la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Xareed Cali Xareed oo qeyb ka ah khilaafka.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in in wafdiga ay maanta la kulmi doonaan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, waxayna kala hadli doonaan sida loo xalin karo khilaafka hareeyay maamulkaasi.

Waa dadaalkii ugu horeeyay ee ka baxsan dowladda Federaalka iyo Soomaalida oo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka kasii daray ee madaxda maamulka Galmudug ka dhex taagan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON