Midowga Afrika ayaa wafdi heer sare ah oo qiimeynaya xaaladda amniga Soomaaliya iyo awoodda ciidamada dowladda u leeyihiin inay la wareegeen nabadgelyada u soo diray Soomaaliya.
Wafdifa oo ka socday waaxda nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyag oo u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay waxqabadka ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga dalka iyo ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxay maanta la kulmeen la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca amniga, iyadoo sidoo kale kulamo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ee TCC loo yaqaan.
Xubanahan Socdaalkooda waxay diiradda ku saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray, caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.
Bisha Maarso ee sanadkaan ayaa la filayaa inay magaalada Muqdisho madaxda Midowga Afrika, madax ka socota wadamada ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Madaxda ugu sareyso dowlada Soomaaliya, shirkaas ayaa waxaa looga hadli doono qaabka ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka.