Saturday, June 28, 2025

Midowga Musharixiinta: “Hanjabaadda Cumar Finish waa farriin dagaal oo ka timid Farmaajo, kuna..” (AKHRISO)

Midowga Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jawaabka bixiyay warkii kasoo yeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, iyadoo sheegay inay u qaadanayaan hanjabaad ka timid Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay si kulul u cambaareeynayaan hadalkii Guddoomiye Cumar Filish oo ay sheegeen in uu ahaa mid Colaad lagu hurinayo.

“ Golaha waxaa u caddaatay  in hoggaanka dalka uu adeegsanayo tabihii Al-Shabaab ee xalaaleysiga dhiigga Shacabka Soomaaliyeed, iyada oo Diin loo adeegsanayao, si ula kac ahna uu hoggaanka dowladdda u hurinayo colaad, una abuurayo naceyb iyo xasarad Bulshada dhexdeeda ah gaar ahaan Shacabka Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri” Qoraalka musharixiinta.

Waxay qoraalkooda ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu qaadayo mas’uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ee ay xukuumadiisu ku hawlan tahay. “Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu dhab u qaadanayaa hanjabaadda Guddoomiyaha Gobolka in ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo toosna ugu socota xubnaha Midowga Murashaxiinta, wuxuuna caddeynayaa in Madaxweyne Farmajo uu qaadayo mas’uuliyadda natiijada ka dhalata falka colaad hurinta ah ee ay xukuumadiisu ku hawlan tahay.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON