Friday, March 29, 2024

Midowga Musharixiinta oo dalbaday in Farmaajo laga joojiyo inuu mar kale xil Qaran isu sharxo (Akhriso)

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dhalinyarada tababarka ciidan loogu qaaday dalka Eritrea, iyagoo baaq u diray Farmaajo iyo Rooble.

War-saxaafadeed ka soo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu xusay in wararka la xiriira in dhallinyaradaas la sheegay ay ka qayb qaateen dagaalkii sokeeye ee Itoobiya ee ka dhacay gaar ahaan gobolka Tigray ay xaqiijisay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay iyo madax ka tisan dowlado caalami ah oo u kuur galay dagaaladaas.

Midowga ayaa sidoo kale sheegay inay ka welwelsanyihiin dacwadaha soo badanaayey iyo banaanbaxyada ku aadan arrintan uu ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu u magacaabay guddi loo wada arkay “magac-u-yaal oo ku jiraan dadkii mas’uulka ka ahaa maamulka iyo siyaasadda ciidamada, oo aan wax ka dhihin arrintan cadeeymahooda maalin walba gaar ahaan markii ay ciidamada Tigre dib u qabsadeen deegaanadooda.”

Ad

Warka Midowga Musharixiinta ayaa lagu weerarray Farmaajo oo xilligan doonaya inuu mar kale isku sharxo xilka Madaxweynaha; iyadoo lagu dhaliilay Ra’iisal wasaare Rooble Guddi aan waxqabad lahayn oo aan magac u yaal ah inuu arrintan u magacaabay, iyadoo mas’uuliyadda dusha u saaray Farmaajo.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Madaxweynha muudo-xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda u hanqal taagaya muddo kale in lagu abaal-mariyo in uu garowsado in uu ku fashilmay xilkiisii oo uu ku takri falay ilaalinta Dastuurka Qaranka:

1- Inuu iska casilo xilka uu hadda sida sharci-darrda ku joogo;

- Advertisement -

2- Inuu umadda Soomaaliyeed ka hor-istaagto in uu u tartamo xilka mar kale;

3- Iyo in laga mamnuuco in uu mas’uuliyad heer qaran ah mar kale ka qabto dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON