Monday, January 17, 2022

Midowga Musharixiinta oo War Degdega kasoo saaray Xiriirka lasoo celiyay ee Imaaraadka iyo Somaliya

Golaha Midowga Musharixiinta soo saaray qoraal dedgega oo ay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uga mahad celinayaan inuu soo celiyey xiriirkii Soomaaliya iyo Dalka Imaaraadka Carabta.


Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabta deeqda ay maanta soo gaarsiiyey dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu waxyeelleeyeen.

“Goluhu wuxuu bogaadinayaa dadaalka Raysal wasaare Rooble uu dib ugu soo celinayo xiriirkii istiraatiijiga ahaa ee sanadihii danbe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhexeeyey dawladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horrayso dawladda Imaaraadka Carabta” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharixiinta.

Ad


Waxay kalo qoraalka ku sheegeen in Dawlada Isu-tagga Imaaraadka,ay sanadkii tegey dalkeenna dhexmaray ganacsi ka badan $1.7 bilyan, ayna xarun u tahay Shirkadaha, Xawaaladaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed.

Baqqan ayuu golaha u diray UAE. “Waxaan ku boorrinaynaa dawladda Imaaraadka in ay soo celiso kabkii miisaaniyadeed, adeegii caafimaad, iyo fududeyntii dal ku gal.”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,849FansLike
2,535FollowersFollow
5,935FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!