Thursday, April 18, 2024

Miisaaniyadda Dowladda 2022 oo la ansixiyey iyo jawaab culus oo la siiyey Wasiir Beyle

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda Dowladda sanadkan kala barka maraya 2022-ka, kadib dood 3 malamood qaadatay oo faraha looga gubtay.

Guddi ay labada aqal u saareen Dib u eegista Miisaaniyada ayaa wax ka bedel ku sameeyay kharashaadka dhowr meelood, waxayna soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ku saabsan khaladaadkii xisaabxir la’aanta iyo maamulka Maaliyadda dalka.

Miisaaniyadda dawladda Federaalka ee 2022 oo gaaraysa $918.7 milyan oo dollar ayaa waxaa ansixiyay 204-xildhibaan, iyadoo ay diideen 2 xildhibaan.

Ad

Wasiirka maaliyada C/raxmaan Ducaale Beyle oo codsaday in hadalka la siiyo inta aan loo codeyn Miisaaniyadda ayaa mar kale iska difaacay Xisaabxir la’aanta 4 sano oo lagu eedeeyay Wasaaradda Maaliyadda, balse waxaa jawaab culus siiyay guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka oo caddeeyay inay denbi tahay xisaabxir la’aan ayna waayeen wax xisaab ah oo ay dib ugu laabteen sanadaha 2018, 2029, 2020, 2021.

Dood culus ee xisaabxirka dowladii Farmaajo ayaa loo saaray guddi ka kooban labada aqal oo dabagal ku sameeya, waxaana weli taagan su’aalo aan jawaab waafi ah laga bixin oo ku saabsan Deyn laga qaatay Hay’adda IMF.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON