Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay Miisaaniyadda dowladda ee 2017 u soo bandhigaya dood furan.
Kulan ay ka qeyb galayaan xubno ka socda ururada bulshada, Aqoonyahanno iyo marti sharaf kala duwan ayaa ka dhaceysa Hotelka Jazeera ee Muqdisho, waxaana dood iyo su’aalo laga furi doonaa Miisaaniyadda oo horeba xildhibaanada doodo badan uga keeneen.
Kharashka guud ee Miisaaniyada sanadka 2017 oo kala bar dhammaaday ayaa gaaraya US$ 246 million, waxaana ka dhex muuqda isu dheelitir la’aan ka jirta qoondooyinka hay’adaha dowlada.
Guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka ayaa hadda gacanta ku haya miisaaniyadda lix biloodlaha ah ee ku asteysan sanadka, waxaana lagu wadaa inay tallooyinka wax ka bedelka u gudbiyaan Baarlamaanka.
Goobjooge