Monday, June 23, 2025

Milateriga Dowladda Itoobiya oo la wareegay Magaalada Jigjiga & Xaaladda oo kacsan [Sawirro]

Wararka laga helayo Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Itoobiya ay la wareegaan magaalada qeybhabeeda muhiimka ah, isla markaanaa xaaladda magaalada ay aad u kacsan tahay.

Arrinta nayaa yimid  xiisad ka dhalatay olole looga horjeeday madaxweynaha maamulkaasi ee Dowlad Degaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar, iyadoo xiriirka isaga iyo dowlada dhexe uu sii xumaaday, markii uu diiday inuu tago magaalada Adis ababa oo dowladda Federaalka ugu yeertay.

Cabdi Iley ayaa wararku sheegayaan in ciidamada Liyu Polis uu amar ku siiyey inay ilaaliyaan magaalada, laakiin waxaa saaka goobaha muhiimka ah ee magaalada Jigjiga lagu arkay ciidamada Milateriga Itoobiya, iyadoo u muuqata magaalo xaalad degdeg ah ku jirta.

Muuqaalada ay baahiyeen dadka ku sugan magaalada ayaa muujinaya iyadoo ciidamada milateriga Itoobiay ay ku sugan yihiin Bartamaha Jigjiga, waxaa na horeba u jiray kacdoon lagu doonayo in isbedel uu ka dhaco Jigjiga.

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON