Tuesday, July 15, 2025

Milateriga Kenya oo shaaciyay inay Alshabab ka dileen maleeshiyooyin fara badan

Ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegtay in kooxda Al-shabaab ka dileen  in ka badna 30 maleeshiyo dagaalo ka dhacay Gobolka Jubadda Hoose.

War uu soo saaray millateriga Kenya ayaa lagu sheegay 33 ka tirsan xoogagga Al-shabaab lagu dilay howlgallo ka dhacay degaannada Goobweyn iyo Wirkooy ee duleedka magaalada Kismaayo.

Sarkaal sare oo Al-shabaab ka tirsan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha laga dilay Alshabaab. Ma jito cid xaqiijisay sheegashada milateriga Kenya, iyadoo howlgalladii ka dhacay duleedka Kismaayo ay ahaayeen kuwo ay qaadeen ciidamo fara badan oo isku jir ah.

Milateriga Kenya ee KDF ayaa looga bartay inay shaaciyaan qasaarooyin fara badan oo ay gaarsiiyeen kooxda Alshabaab, iyadoo aanay jirin wax caddeyn ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON