Guddiga siyaasadda Golaha Ciidamada la wareegay talada dalka Suudaan ayaa shir jaraa’id ay maanta qabteenuga hadleen qorshahooda iyadoo sheegay in xalka xaaladda Suudaan laga sugayo dadweynaha dalkasi.
Madaxa Guddiga siyaaasadda ee militariga Suudaan, Jeneraal Cumar Zeyn Al-caabidiin ayaa sheegay in dadka Suudaan oo dhan ay u dhaxeeyaan oo ay doonayaan in wadahadal la isugu yimaado si looga saaro dalkaasi dhibaatada heysata.
Mar la weydiiyay halka uu ku danbeeay madaxweynihii hore ee Jen. Cumar Al Bashiir iyo inay u dhiibi doonaan Maxkamadda Adduunka oo raadineya ayuu sheegay in lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Suudaan, haddii uu denbi galay, isla markaasna aysan dhici doonin in dal kale loo dhiibo.
Isagoo ka hadlayey mudadda 2 sano ah ee xilka ay heynayaan milateriga ayuu sheegay inay tahay waqti ay iyagu u arkeen inuu ku haboon yahay, kala guurka ayna ka heleen waaya aragnimo hore, balse ay jeclaan lahaayeen inay bil gudahood ku wareejiyaan lasoo doortay, wuxuuna meesha ka saaray inay ciidamadu cid gaara cadaadis saarayaan.