Monday, July 14, 2025

Milkiilha Facebook Mark Zuckerberg oo saacado Gudahood ku qasaaray 7 Bilyan oo Dollar

Aas-aasaha Shirkadda Caanka ah ee Facebook Mark Zuckerberg ayaa qasaaray $7 billion oo Dollar, kadib muddo saacado ah oo ay hawada ka baxday Barta caanka ah Facebook oo cilad lama filaan ku timid.

Nikan Zuckerberg oo ka mida maalqabeenada ugu taajirsan Dunida ayaa waxaa soo wajahay qasaare baaxad leh iyo magac xumo kasoo gaartay saacadaha Facebook hawada ka maqneyd, iyadoo ay 5% hoos u dhacday qiimaha Saamiga Shirkadda Facebook.

Mark Zuckerberg ayaa hantida uu leeyahay waxaa ka go’ay 7 bilyan Dollar maalintii Isniinta, sida ay qortay wakaalada Bloomberg, iyadoo Facebook, Instagram iyo WhatsApp ay la tacaalayeen cilado keenay inay waayaan Nus milyan doolar saacad kasta oo ay hawada ka maqnaayeen, taasoo ah dakhliga kasoo gala xayeysiiska Mareykanka oo keliya.

Hantida milkiilaha Facebook Mark Zuckerberg ayaa weli heysta lacag ka badan $ 120 bilyan, waana qofka 5aad ee ugu taajirsan Caalamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON