Mar kale ayaa indhaha Soomaalida ay maanta ku sii jeedaa magaalada Rio ee dalka Brazil oo galabta xilliga Muqdisho la daawan doono tartanka Shanta kun ee Mitir (5000 mitir).
Sababta orodkan loo daawanayo ayaa ah in Soomaalida ugu badan ee ciyaaraha olombikada ay safan yihiin, kuwaasoo u loolamaya dalal dhowr ah, kuwaaasoo kala ah:
- Maxamed Daa’uud oo safan Soomaaliya
- Mo Farah (Maxamed Faarax) oo u ordaya Britian
- Bashir Cabdi oo u ordaya Dalka Belgium
Waxayna saddexda ciyaaryahan ku jiraan safka koowaad. Waxaa la arki doonaa laba Maxamed midka dabaaldegi doona oo fiinaalka u soo bixi doona, iyadoo dadka qaarkii ay aaminsan yihiin in Mo Farah uu soo bixi doono, dibna u hanan doono biladii dahabka ahayd ee 5000 mitir oo uu qaatay ciyaarihii Olombikada Lomdon 2012.
Goobjooge.com