Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaraya 42 xildhiaab ay diyaariyeen mooshin lagu dalbanayo in dib loo dhigo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo wejigiisii labaad uu ka socdo Magaalada Jowhar.
Xildhibaanada mooshinkan wada ayaa u badan xildhibaanada kasoo jeeda labada gobol ee ku kacsan qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadda Soomaaliya ku doonayaan inay degdeg maamul uga soo saaraan shirka Jowhar.
Xildhibaanada ayaa doonaya in lasoo saaro qaraar baarlamaan oo ku saabsan in dib loo dhigo shirka Jowhar inta beelaha labada gobol heshiis ka gaarayaan, iyagoo ku eedeeyay in dowladda hadda jirta aanay maamul cadaalad ku dhisan ka sameyn karin labadaas gobol.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo gudbiyay qaraarka lagu dalbanayo dib u dhigista shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaana la filayaa in Baarlamaanka la hor keeno maalmaha soo socda.
Goobjooge.com