Guddi ka tirsan aqalka wakiillada congress-ka Mareykanka ayaa u codeeyay in la bilaabo Mooshin ku saabsan in lasoo gole joojiyo Madaxweyne Donald Trump si xilka looga qaado.
Xubnaha Golaha Wakiilada ee Guddiga Caddaaladda ee Aqalka Koongareeska oo ah Guddi ay u badan yihiin Xubnaha kasoo jeeda Xisbiga Dimoqraaddiga ayaa isku raacay inay si gaar ah u billaabaan dhageysiga Mooshinkan oo muddo dheer loo ololeynayay, waxaana Khamiistii Guddigani ku ansixiyeen Mooshinka codad dhan 24 mudane oo taageertay Mooshinka iyo 17 mudane oo diiday, iyadoo uu sidaasi sharci ku nqoday.
Qodobadda madaxweyne Trump lagu soo eedeynayo waxaa ka mida inuu jebiyey Sharciga, inuu hor istaagay Caddaaladda, inuu ku takrifalay awoodda iyo inuu kala qeybinayo dadka Mareykanka, laakiin Mooshinka noocan ah ayaa u baahan ogolaashaha Aqalka odayaasha ee Senate-ka oo ay awood ku leeyihiin xisbiga Jamhuuriga ee talada haya.
Madaxweyne Donald Trump ayaa jawaab uu ka bixiyey mooshinka laga diyaarinayo si xilka looga qaado wuxuu sheegay inuusan wax cabsi ah ku heynin, laakiin uu muuqaal xun ka bixinayo Mareykanka, wuxuuna eedeeyay Xisbiga Dimoqraadiga oo uu sheegay markii ay ka adkaan waayeen inay mooshin aan soconeyn la yimaadeen.