Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasab Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu Baarlamaanka Federaalka ka doodo mustaqbalkiisa siyaasadeed fadhiga ugu horeeya ee la filayo inuu yeesho.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii uu Xasan Sheekh xilka banneeyay, waxaana Baarlamaanka laga rabaa in la dhaqan geliyo qodobka 64aad ee Dastuurka KMG ah, kaasoo sheegaya in madaxweynaha la doorto markii uu xilka ku wareejiyo madaxweyne kale oo la doortay uu noqon doono xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa wada Mooshin uu horkeenayo Baarlamaanka si ay u ansixiyaan qodobkaasi, waxaana haddii la ansxiyo uu noqon doonaa xildhibaankii 276-aad ee Golaha shacabka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in lagu hor dhaariyo Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna warar ku dhowdhow sheegayaan inuu muddo kooban dibadda u bixi doono kadibna dib ugu soo laaban doono dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa caddeeyay inuusan ka bixi doonin siyaasadda, isla markaana  u baahan yahay nasiino kooban kadibna ku shaqeyn doono xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Goobjooge.com