Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ay diyaarinayaan mooshin looga horjeedoa madaxweynaha maamulkaasi.
Mooshinkan ayaa yimid kadib markii uu shalay madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble magacaabay golaha wasirada maamulkaasi oo meelo badan laga dhaliiyay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xildhibaano gaaraya 50 ay wadaan mooshin lagu soo Gole joojinayo Madaxweynaha Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa lagu heystaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay awood qeybsiga beelaha iyo inuu la-tashi la’aan iska magacaabay Gole wasiiro.
Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa la sheegay wasiirada uu magacaabay uu ka mid yahay nin ay saaxiibo ahaayeen oo guri qura wada deganaan jireen dalka Kanada iyo nin kale oo maamule ka ahaa baarka madaxtooyadiisa ee magaalada Jowhar.
Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in bannaanbax looga horjeedo golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble uu ka dhacay magaaladaasi.
Cali C/llaahi Cosoble ayaa Muqdisho u yimid caleemosaarka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo xaalada adag ee ku soo furantay maamulkiisa iyo ololaha mooshinka ku socdaba ka tegay.
Goobjooge.com