Sunday, July 13, 2025

Mooshin looga horjeedo Qorshaha dhismaha ciidamada ee Madaxweyne Farmaajo oo la diyaariyay

Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa diyaariyay Mooshin looga horjeedo heshiiska madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxd maamul Goboleedyada ku gaareen qaab dhismeedka ciidamada Federaalka.

Mooshinkan ayaa lagu wadaa in kulanka Baarlamaanka ee Berri la horgeyn doono, sida uu sheegay xildhibaan  Xuseen Carab Ciise oo intaas ku daray in khaladaad badan ku jiro Qorshaha dib u dhiska ciidamada.

Ciidamada Federaalka ayuu sheegay inay noqon karin kuwo u kala qeybsan maamul goboleed arrintaasina ka mid tahay awoodaha afarta ah ee dowladda Federaalka u gaarka ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.

Mooshinka ayaa noqonaya kii labaad ee xildhibaanada Baarlamanka diyaariyaan oo looga horjeedo dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxayna culeys kal ku noqon doontaa guddoonka Barlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON