Friday, June 27, 2025

Mooshinka Jawaari oo dhaliyey Dood ku saabsan Wasiirada xildhibaannada ah ee ka tirsan Xukuumadda [Akhriso]

Dood kulul ayaa ka dhalatay wasiirada xildhibaannada ah ee ka tirsan xukuumadda kadib markii mooshinka laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka uu soo shaac bixiyey doorka wasiirada xukuumadda Kheyre ku yeesheen mooshinka.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegay inay khalad tahay Wasiir isku haya xildhibaan iyo xilkii xukuumadda, taasina ay keeneyso inaan isla xisaabtan dhicin, wuxuuna caddeeyay in dowladii Carte oo uu isagu wasiir ka ahaa uu xildhibaannimada iska wareejiyey kadib markii uu wasiir noqday.

Xildhibaanno badan ayaa taageeray arrintan in mooshin laga keeno oo la bedelo qodobka Dastuurka KMG ah, qaar kale ay doonayaan in arrintan ka mid noqoto qodobadda wax laga bedelayo Dastuurka.

In ka badan 40 xubnoood oo ka tirsan golaha Wasiirada xukuumadda hadda jirta ayaa ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, waxayna ka dhex muuqdeen shirarka ololaha mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari waxaana ka mid ahaa wasiirada Amniga iyo Maaliyadda.

HOOS KA AKHRISO QODOBKA OGOLAANAYA IN WASIIRADU NOQON KARAAN XILDHIBAAN

Qodobka 98aad. Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada

(1) Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:

(a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano;

(b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.

(2) Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:

(a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon (30) sano;

(b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed.

(3) Xubnaha Golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban:
(a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka;
(b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar
ah;
(c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti Dawladeed;
(d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON