Sunday, July 27, 2025

Mooshinka laga keenay maamulka Jubba oo doodiisa ka bilaabatay Baarlamaanka Soomaaliya

Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista mooshinka laga keenay Maamulka Jubba kadib markii 43 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka ay mooshinkaasi u gudbiyeen Baarlamaanka.

baarlamaanka

Xildhibaan Samaan Sheekh Maxamed oo ka mida saxiixayaasha mooshinka ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay waxaana uu sheegay in dhismaha Golaha wakiilada Maamulka kumeel gaarka ee Jubaland oo ka hor imaanayo dastuurka dalka u degsan, isla markaana si sharci darro ah loo dhisay loona qeybiyay xildhibaanadiisa, wuxuuna intaas ku daray in degmooyin aan jirin xubno lagu qoray, ayna ku takri faleen hogaanka Kismaayo ka jira.

Akhrinta Mooshinka kadib waxaa la bilaabay doodiisa iyadoo ay is qoreen 38 xildhibaan, waxayna dooda ugu weyn saameyn ku leedahay laba arrimood oo kala ah:

In mooshinka la meel mariyo

Iyo inaan la meel marin

Xildhibaanada ku doodaya in mooshinka laga gudbo oo aan la meel marin waxay sheegeen inuu dhibaato kale keeni karo oo ka weyn tan hadda taalla, xildhibaanada taageersan mooshinka ayaa iyaguna qaba in mooshinka la meel mariyo dibna loogu noqdo Baarlamaanka maamulka Juba oo dib loo saxo.

Dooda mooshinka ayaa socon doonta iyadoo ay harsan yihiin xildhibaano badan, waxaana mooshinkan uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah. Maamulka Jubba ayaa si weyn uga careysan mooshinka oo ku hanjabay inuu joojin doono xiriirka uu la leeyahay dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON