Saturday, June 28, 2025

Mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Trump oo maanta cod loo qaadayo & Qodobadda lagu soo eedeeyay…

Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay awoodda ku leeyihiin Xisbiga Dimoqraadga ayaa maanta oo Arbaca ah cod u qaadi doonaya Mooshinka xil ka-qaadista madaxweyne Donald Trump oo algu eedeynayo laba qodob oo kala ah: inuu ku takri falay awooddiisa iyo inuu hor istaagay baaritaanka ku socday.

Fadhigan maanta ee Golaha Wakiilada Mareykanka ayaa waxaa guddoomin doona haweeneyda aqlabiyadda ee Xisbiga Dimoqraadiga Nancy Pelosi, iyadoo cod u qaadi doonta inuu madaxweyne Trump ku xadgudbay awoodiisa oo loo cuskanayo in xilka ka xayuubintiisa.

Mooshinka oo ay riixayaan mudanayaasha Xisbiga Dimoqraadiga ayaa u badan inay ansixiyaan Mooshinka, waxaase uu rasmi noqon doonaa marka ay ansixiyaan Aqalka Sare ee dalkaasi oo ay u badan yihiin Xisbiga Jamhuuriga, iyadoo aan la fileyn inay aqbalaan.

Madaxweyne Trump ayaa jawaab kulul ka bixiyey cod u qaadista mooshinka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay inqilaab lagu doonayo in xilka looga qaado, uuna dhaawac ku yahay dimoqraadiyadda Mareykanka, wuxuuna weerar ku qaaday haweeneyda hoggaamisa Xisbiga Dimoqraadiga Nancy Pelosi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON