Mooshinka ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedeynaya qodobo ay ka mid yihiin:
1- Xil-gudasho la’aan
2- La tashi la’aan iyo Ku takri-fal awoodeed
3- Iska hor-keenid beelaha
4- & Lunsasho Hantida maamulka Hirshabelle
Waxaa mooshinka saxiixay 50 kuwaasoo oo ah in ka badan kala bar xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo doonaya in la soo Gole joojiyo madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.
Xiisad siyaasadeed ee ka taagan Jowhar ayaa waxaa kiciyay magacaabiddii Golaha Wasiirada maamulkaasi oo intooda badan ahaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay halkaasi, iyadoo bannaanbaxyo iska horjeeda ay ka dhaceen maalmihii ugu danbeeyay isla markaana madaxda maamulkaasi ay ay isku maandhaafsan yihiin xaaladda taagan.
Hoos ka akhriso Mooshinka.
GOOBJOOGE.COM