Tuesday, June 24, 2025

Mourinho oo ka hoos maray rikoorkii Van Gaal kadib 7-diisii kulan ee ugu horeeyay Man United

Tababarraha cusub ee kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa la sheegay inuu ka liito ninkii ka horeeyay ee shaqada laga ceyriyay Louis Van Gaal.

Kadib bilow fiican oo Mourinho lagu soo dhoweeyay guulal is xigay ayay wax waliga is bedeleen oo guuladarrooyin iyo barbarro ay isu raaceen Man United oo hadda laga soo calaamadeeyay in Mourinho uu ka bilow liito macalinkii ka horeeyay.

Kadib 7 kulan oo Mourinho Man United watay wuxuu 3 dhibcood ka hooseeyaa Macalin Van Gaal. Man United oo barbarro 1-1 shalay la gashay kooxda Stoke City waxay ka dhigneyd inuu Mourinho urursaday 13 dhibcood 7 kulan oo uu saftay. Halka Van Gaal 7-diisii kulan ee ugu horeeyay uu keenay 16 dhibcood.

Macalin Mourinho oo muuqaalkiisa xanaaqa badan ka muuqdo ayaan ku guuleysan weli inuu kooxda Man United jiho u yelo, waxaana la is weydiinayaa dhibaatada heysta Man United halka ay tahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON