Wednesday, June 25, 2025

Mucaawino Dowladda Somalia geysay Degmada Afgooye oo la boobay…

Mucaawinadii ugu horeysay ee dowladda Soomaaliya ay geystay degmada Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa la boobay, kadib markii dadkii loogu talogalay ay ka tiro bateen dad kale oo degaano fara badan ka tegay.

Mucaawinadan oo ay ku deeqday dowladda Sacuudiga ayaa shalay galab la geeyay degmada Afgooye iyo maamulka uu markii hore ugu talogalay 3000 oo qof, balse markii dambe tirada lagu soo koobay 1500, waxaana goobta mucaawinada buux dhaafiyey kumanaan qof oo doonayey inay wax ka helaan mucaawinada.

Guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa xaqiijiyey in rasaas badan ay halkaasi ka dhacay markii dadkii la kala saari waayey, balse aysan cidna ku dhiman, wuxuuna caddeeyay in dadkii loogu talogalay ay gacmo maran kala laabteen halkaasi iyadoo raashinkii ay boobeen dad kale oo isaga yimid degaano ka baxsan Afgooye.

Arrintan ayaa la sheegay inay dhalisay qorshe xumada dadkii maamulayey qeybinta mucaawinada iyadoo tiro kala duwan qoray, kadibna ay arrinta is gaarsiiyeen dadka, taasoo keenay in Afgooye ay ku ururaan dad fara badan oo markii dambe boobay mucaawinadii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON