Monday, June 23, 2025

Muhammadu Buhari oo dib loogu doortay Madaxweynaha Nigeria & Farmaajo oo hambalyo u diray.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa mar labaad ku guuleystay doorashadi Sabtidi ka dhacday dalkaasi, isaga oo dalka Nigeria maamuli doono afarta sano ee soo socota.

Tirinta codadka doorashada Nigeria ayaa Guddiga Doorashada wuxuu shaaciyey in Mohammadu Buhari uu ku guuleystay, isagoo ka guuleystay ninkii la tartamayay oo ah madaxweyne ku xigeenkiisii Atiku Abubakar.

Buhari oo 76 sano jir ah ayaa helay codad 4 Milyan ka badan ninkii la tartamey, laakiin xisbiya musharaxa Atiku Abubakar PDP ayaa diiday natiijada doorashada dalka Nigeria ka dhacday.

Nigerian President Muhammadu Buhari

Xisbiga Madaxweynaha dib loo doortay ee APC ayaa sidoo kale ku guuleystay Doorahada 19 ka mida 36-da maamul Goboleed ee dalka Nigeria.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Nigeria, isagoo ka mid noqday madaxdii ugu horeysay dunida uu hambalyo u diro Mohamoudu Buhari.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON