Wednesday, June 25, 2025

Mukhtaar Roobow oo beeniyay inuu dowladda Somalia isu dhiibay [Akhriso amar uu siyay Saxafiiinta Baydhaba]

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mida hoggaamiyeyaasha kooxdii Alshabaab, dhowaanna isu dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa diiday in loogu yeero ereyga ah “Inuu isu dhiiba dowladda”.

Kulan gaara oo uu isugu yeeray saxafiyiinta ka howlgala magaalada Baydhaba ayuu Sheekh Roobow ku amray inaysan u adeegsan magaciisa inuu isu dhiibay dowladda, taas bedelkeedana ay sheegeen inuu wadahadal ku yimid.

Kulanka Sheekh Mukhtaar Roobow iyo Saxafiyiinta Baydhaba ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada, iyadoo markii hore loo maleynayay inuu qabanayo shir jaraa’id laakiin saxafiyiinta  marki ay tageen xarunta madaxtooyada K/Galbeed Duhurtii kadib ayna ku urureen goobtii uu ku sugnaa Roobow ayaa laga damiyay Telefoonadooda, lagana reebay qalabkii warbaahinta oo dhan, waxaana si gaara khudbad ugu jeediyay Sheekha.

Kulanka oo isbarasho ahaa kadib Sheekh Roobow ayaa ka dalbaday saxafiyiinta in qalabka warbaajinta aysan u adeegsan “Roobow oo Dowladda isku soo dhiibay” balse taas bedelkeeda ayuu sheegay in Dowladda uusan isku soo dhiibin ee uu ku yimid wadahadal.

Kulankii saxafiyiinta iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sidaasi ku soo dhammaaday isagoo u sheegaa in wixii kale uu dib kala soo xiriiri doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON