Monday, June 23, 2025

Mukhtaar Roobow oo lagu soo dhoweeyay Magaalada Xudur [Akhriso mas’uuliyiinta ku sugan]

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa lagu soo warramayaa inuu gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Magaalada Xudur waxaa ku soo dhoweeyay wasirka Amniga  maamulka K/Galbeed Xasan Xuseen Maxamed, waxaana ku sugan wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka C/rashiid C/llaahi iyo taliye kuxigeenka NISA.

Gudoomiyaha magaalada Xudur, Maxamed Macallin, ayaa xaqiijiyay in Mukhtaar Roobow iyo ciidan la socda ay gaareen magaaladaasi.

Dagaalyahanno daacad u ah Roobow iyo xoogga Al-Shabaab ayaa dhowr goor ku dagaallamay deegaanka Abal, halkaasi oo bilihii dambe uu ku sugnaa mas’uulkan ka tirsanaa ururkaasi.

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)
Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)

Bishii Juun ayaa dowladda Maraykanka waxay Mukhtaar Roobow ka saartay liiska madaxda Al-shabaab ee ay lacagta dul dhigtay.

Mukhtaar Roobow ayaa mar ahaa hogaamiyaha labaad ee ugu sareeya ururkaasi, waxaana sidoo kale uu noqday afhayeenka Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON