Iyadoo magaalada Baydhaba ay maanta ka bilaabtay diiwaangelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayuu musharixii ugu horeeyay noqday Mukhtaar Roobow Cali.
Sheekh Roobow oo hore ay xukuumadda Soomaaliya uga hor istaagtay inuu u tartamo xilkan ayaa arrintaasi shaqeyn weyday, iyadoo Guddiga Doorashada ay maanta Shahaado musharaxnimo ay guddoonsiiyeen Guddiga Doorashada.
Musharax Madaxweyne Sheekh Muqtaar Roobow ayaa buuxiyey shuruudaha musharixiinta madaxweynaha oo ay ka mid ahayd inuu bixiyo lacag dhacan 20,000 Doolar.
Doorashada madaxweynaha xilka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah mid adag oo ay ku loolamayaan ilaa 8 musharax, iyadoo xubnaha ugu cadcad ah yihiin saddex ka mida oo uu ugu horeeyo madaxweynaha xilka haya Shariif Xasan Sheekh Aadan.