Ku xigeenkii hore ee hoggaamiyaha Alshabaab, balse isu dhiibay dowladda Federaalka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ka hadlay xaaladiisa tan iyo intii laga soo qabtay Baydhaba Disembar 2018.
Wareysi uu siiyey VOA-da ayaa ayuu ku sheegay Mukhtaar Roobow inuu afduub lagu heyso ilaa aakhirii 2018, muddo lix bilood ahna lagu hayey xarnta NISA ee uu madaxda ka ahaa Fahad Yaasiin, kadibna loo wareejiyey Gurri ayu ciidamo ka yimid Galmudug ku sugan yihiin, halkaasina qolkiisii ay ku dagaalameen oo qof ku dhintay.
Intaas kadib ayuu sheegay in lagu wareejiyey Guri kale oo ciidamadii Warran ku sugan yihiin, wuxuuna amnigiisa ku sheegay mid aan la qiyaasi karin, isla markaana aanu oran karin amnigiisa waa sugan yahay.
mar uu ka hadlay inuu nabad wax ku doonayo haddii lasii daayo ayuu sheegay inuu mowqifkiisa hore u caddeeyay, waxba ku raadiyey, haddii aan la qasbin, haddii ay dhacdo in jid kasta laga soo xirana ay arrintu noqoneyso ‘Xaniinyo taabad’ iyo in duurka lagu laabto.
Wuxuu caddeeyay in hamigiisii siyaasadeed uu weli taagan yahay, isaguna uu ku taagan yahay hamigiisii aha ainuu siyaasadda qeyb ka qaato.
HALKA KA DHAGEYSO QEYB KA MIDA WAREYSIGA
