Cudurka Covid-19 ayaa si weyn uga laba kacleeyay Soomaaliya iyo iyo gaar ahaan caasimada, waxaana 24-kii saac ugu danbeeyay Muqdisho oo kaliya laga helay 85 qof.
Warbixin ay goor dhoweyd soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in cudurka Covid-19 laga baaray 1202 of guud ahaan wadanka 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo natiijadii soo baxday ay noqotay sida soo socota:
Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 1,202
Waxaa laga Helay: 91
Banadir: 85
Puntland: 6
Lab: 56
Dhedig: 35
Bogsasho :6
Dhimasho: 4
Tirada Guud ee Laga Helay: 5,183
Bogsashada Guud: 3,739
Dhimashada Guud: 152
