Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa askari kale ku dilay xaafadda Miijiska, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Eehelka askariga la dilay ayaa sheegay in dilka uu yimid markii ay labada askari oo saaxiibo ahaa isku maandhaafeen Qol ay ku wada noolaayeen oo midkood ugu baahday, halka midkii kale uu diiday inuu uga baxo.
Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inay la socotay haweeney, isla markaana uu saaxiibkii oo qolka jiifay ka dalbaday inuu u banneeyo, balse uu diiday isadoo uu sheegay inay hurdo u socoto kale oo meel kale raadsado.
Wararka aya sheegaya in muran dhex maray labada askari uu keenay in toogasho lagu dilo Askari lagu magacaabi jiray Jibriil Xasaan Cali oo ka tirsanaa ciidamada Milateriga ee Guutada 14-ka Oktoobar, iyadoo askariga dilka geystay uu isna ka mid ahaa ciidamada Gorgor.
Meydka askariga oo qolkii lagu rasaaseeyey ku jiray ayaa waxaa isugu soo baxay dadweynihii xaafadda, waxaana goobta tegay ciidamada Amniga.
Qolka dilka ka dhacay ayaa wararku sheegayaan inuu u kireysnaa nin kale o oshacab ah oo ay saaxiibo ahaayeen labada askari, iyagoo nasiino ku qaadan jiray.
