Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya faahfaahisay kiiska qof labaad oo qaba cudurka CoronaVirus oo dalka laga heley, kaasoo ka yimid dalka Talyaaniga, kuna jiray karaantiil.
Wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in dalka laga heley kiiskii labaad ee qof qaba xanuunka Corona Virus,kaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey lagu hayey karaantiil markii uu ka yimid dibadda.
Waxay intas ku dartay in qofka laga helay xanuunka COVID-19 uu dhowaan dalka yimid isla markaana kamid ahaa dadka laga shakiyay kadibna la baaritaan laga qaaday oo dibadda loo diray jawaabtii laga helay ay noqotay inuu qabo cudurka; xaaladiisuna ay degan tahay, balse jirkiisa uu ku jiro virus-ka.
“Kiiskaan waa kiiskii labaad ee la helo baaritaan aan isbuucii hore aan dirnay ayuu jawaab u ahaa, waxaan la wadaagnay bulshada, kiisaasi waa positive, ma ahan mid calaamaduhu ay ka muuqdaan, ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuusan cudurka ku soo bixin oo aanu faafin, wuxuu ka mid yahay dadka karantiilka ku jira..” ayey tiri Wasiiradda caafimaadka oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho.
Waxay kaloo sheegtay in qofkani lagu heyn doono in meel gooni ah ilaa laga xaqiijinayo in cudurkan uu ka caafimaado oo aan la sii deyn doonin, waxayna ugu baaqaday bulshada in ay ka feejignaadaan fiditaanka cudurkan halista ah.
HOOS KA DAAWO