Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax lagu weerraray Hotelka Afrik ee ku yaalla agagaarka Isgoyska KM 4, wadadda tagta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Qarax koowaad oo ahaa is-miidaamin kadib ayaa la maqlay rasaaas xoog leh, waxaana kadib dhacay laba qarax oo kale, iyadoo wararku sheegayaan in Dabley hubeysan ay dhex dagaalamayaan Hotelka, markii ay weerar ku galeen Hotelka oo dad badan ku sugnaayeen.
Waxaa hadda socda rasaas ka dhaceysa gudaha Hotelka, iyadoo Saraakiisha ciidamada Amniga ay sheegeen inuu bilowday howgal lagu qaadayo dableyda weerarka ku gashay Hotelka, markii ay gaareen ciidamada gaarka ah ee Booliska.
Hotelka Afrik ayaa ka mida Hoteellada waaweyn ee ay degaan dadka dibadda ka yimaada ayna tagaan dadka caaadiga ah, Wararka ayaa sheegaya in Hotelka uu ku sugnaa xilliga uu Qaraxa iyo weerarku dhacay Sarkaal ka mida ciidamada dowladda iyo ilaaladiisa.
