Monday, June 23, 2025

MUQDISHO: Maleeshiyo lagu arkayo xaafado ka tirsan Muqdisho iyo is-rasaaseyn dhex martay ciidamada Dowladda

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaafadaha qaar ee caasimadda lagu arkay maleeshiyo hubeysan, iyadoo iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda.

Ciidamada Amniga ayaa saaka isku dayay inay dhagxaan ku xiraan wadooyinka jid-caddeyaasha Wadadda Isgoyska Sanca ilaa Fagax, waxaana arrintaas ka hor tegay maleeshiyo iyadoo dagaal uu dhex maray laabda dhinac, kaasoo dhaliyay qasaare dhimash iyo dhaawac leh.

Waxaa gebi ahaan xiran xaafadaha degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo qeybo ka mida Shibis iyo Wardhiigley, waxaana joogsaday isu socodka dadka iyo gaadiidka iyadoo meelaha qaar ay bannaabaxyo ka dhaceen.

Dadka degaanka ayaa noo sheegay in xaaladu kacsan tahay xaafadaha degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo degaanada ku dhow, ayna maqleen rasaas dhaceysa, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in dadka iska dadka ku dhintay hor imaadka ay gaarayaan 4 qof .

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON