Wednesday, July 2, 2025

Muqdisho oo maanta qaad la’aan ah [MUQDISHO: QAAD MAAFISH]

Buuq iyo jahwareer ayaa ka taagan suuqa ugu weyn ee qaadka ee Muqdisho oo saaka sidiisii hore aan ku waabariisan.

kooxo rag iyo dumar ah oo ganacsato qaadka ah ayaa koox koox u fadhiya ama u taagan suuqa dheexdiisa iyagoo iska waraysanaya xaaladda la soo gudbonaatay ee ah in duulimaadyada qaadka imaan jiray wadanka si kumeel gaar ah loo hakiyay.

Goob kale oo suuqa ah koox kale ayaa ku xoonsan qaadkii shalay haray kaas oo qiimihiisu labo jibaarmay, waa lakala iibsanayaa inkastoo uu aad u yaryahay qiimihiisuna sareeyo.

Cabdi Xasan Diiriye waxa uu ka mid yahay ganacsatada qaadka iibin jirtay hayeeshee maanta qaad uu iibiyo ma hayo.

”Waan ku noolnahay, waan ka shaqeysanaa mana ogolin in nalaga joojiyo. Ma yeeli doono in Muqdisho laga joojiyo, Galkacyana uu ka dago”, ayuu yiri Diiriye oo ah mid ka mid ah ganacsatada qeybiso qaadka.

Aragatidaas Cabdi qabo mid ka duwan ayay qabaan qaar kamid ah ganacsatada suuqa qaadka iyagoo u arka hakintiisa mid ay ka macaashi doonaan Soomaalida oo dhan dhinac dhaqaale iyo mid caafimaadba.

”waxaan u arkaa qaadka in uu yahay dhibaato aad u wayn. Joojintiisa waan ku farxay, ilaah ayaa irsaaqad kale noo furi doono”, ayay tiri Xamdi Cumar oo ka ganacsata jaadka.

muqdisho
Suuqa qaadka Muqdisho oo maanta uusan ganacsi ka jirin kaddib markii la mamnuucay qaadka

Inkastoo xayiraadaasi duulimaadyada qaadka lagu soo rogay waddanka oo dhan ayaa haddana waxa duulimaadyo kale oo qaad sida ay ka dageen magaalooyinka Gaalkacyo, Qardho iyo Laasacaanood sida ay BBC-da u xaqiijiyeen ganacsatada qaadka.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Puntland ayaa go’aanka dawladda federaalka ku macneeyay mid aan khuseyn deegaanada Puntland, isagoo intaasi ku daray in maamul gobaleed kasta uu arrimihiisa u madax bannaan yahay.

Wasiirka gaadiidka ee Somaliland Farxaan Adam Haybe, ayaa BBC-da u sheegay in dhammaan diyaaradaha Jaadku isticmaali karaan garoomada diyaaradaha ee Somaliland ku yaalla maaadama buu yiri ”Somaliland ay ka madax banaantahay Soomaaliya”

Soomaaliya ayaa waxaa maalintii ka dega dhowr iyo toban diyaaradood oo sida qaadka laga keeno dalka Kenya, iyadoo Soomaalidu la sheego in ay yihiin dadka ugu badan ee cuna qaadka Kenya.

Kenya ayaa qaadka ay Soomaaliya u dhoofiso waxa ay ka heshaa dakhli aad u badan, iyadoo qoysaska beeraleyda Meru ay si weyn ugu tiirsan yihiin ganacsiga qaadka.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON