Xaalad ciidan iyo dhaqdhaqaaq milateri ayey mar kale caawa gashay magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada dowladda lagu arkay qeybo badan oo ka tirsan caasimadda.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii dowladda Federaalka ay ciidamo badan dul dhigtay Guriga uu deganaa Taliyihii hore ee Booliska G/Banadir Jen. Saadaq Cumar Xasan “Saadaq Joon”, taasoo keenay inuu dib ayaa dib ugu laabo xaafadda Shiirkoole ee degmada Hodon.
Xaaladda ayaa kacsan waxaana ciidamo iska horjeeda lagu arkayaa degmada Hodon iyo aaggaga ku wareegsan Xaafadda Shiirkole.
Waa markii labaad ee arrintan ay dhacdo, waxaana muuqata in Janaraal Saadaq Joon uu qaatay go’aan uu kama danbeys ugu degayo xaafadda Shiirkole, kadib dhaqdhaqaaq uu ka dareemay dhinaca dowladda.
Rasaas aan badneyn ayaa la sheegay in laga maqlay xaafadda Shiirkole, waxaana jirta xaalad kacsan, balse markii danbe ayay xaaladu degtay.
“Xildhibaanadeena Habar Gidir ayaa hada soo gaaray Shiirkole. Farmaajo, Fahad iyo Biixi dadkeena ayay duulaan ku yihiin. Dadkeena waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan cadowga iso soo bahaystay. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah….” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo farriintan soo dhigay baraha bulshada.
Saddex xildhibaan oo kla ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Xildhibaan Saabir Shuuriye iyo Mahad Salad Salaad iyo ciidamo la socda ayaa la heegay inay iyaguna gaateen Xaafadda Shiirkole oo uu caawa degay Jen. Saadaq Joon, ayna wehliyaan Jeneraalka.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA