Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Laftagareen ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo ay saf ugaleen soo dhoweyntiisa Wasiiro, xildhibaanada labada Gole iyo Mas’uuliyiin kale, waxayna soo dhoweyntu ahayd tii ugu weyneyd, iyadoo uu hore marar badan u yimid Muqdisho.
Lama oga sababta keenay in soo dhoweynta noocan ah loo sameeyo Madaxweynaha k/Galbeed oo dagaal siyaasadeed oo culus kala dhaxeeyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, laakiin waxaa loo maleynayaa in looga jawaabayo soo dhoweyntii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
