Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa ka horyimid magacaabista xubno ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka oo Golaha Wasiirada xilka sii haya ay ku dhawaaqeeen magacyadooda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka Qareennada Soomaaliyeed ayaa lagu caddeeyay inay sharci darro tahay qaabka loo magacaabay xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka, isla markaana 5-ta xubnood ee la magaacaabay aysan ka tirsanayn Qareennada Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA
WAR-SAXAAFADEED KU SAABSAN HABRAACA MAGACAABIDDA XUBNAHA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA
Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu udub-dhaxaad iyo bud-dhig u yahay hay’adda Garsoor Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay madaxbannaanida, tayada, hufnaanta iyo xaqsoorka Garsoorka Dalka.
Shirkii Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ee ku taariikhaysnaa 30-kii Bisha Luuliyo 2020 ayaa lagu ansixiya Shan xubnood oo la sheegay in ay ka mid noqonayaan xubnaha ku imaanaya magacaabidda ee Golaha Adeegga Garsoorka.
Sida uu dhigayo Qod.109A, Faqraddiisa 2aad, Xarafka “D” ee Dastuurka KMG: Labo Xubnood oo ka mid ah Shanta xubnood ee ku imaanaya magacaabista waxaa soo magacaabaya Ururka Qareennada Soomaaliyeed, waxayna xilka haynayaan muddo Afar Sano ah.
Sidoo kale Xarafka “E”, Faqradda laad, Qod.6aad ee Sharci L.28 soona baxay 8-dii Luuliyo 2014 (Sharciga dhisidda Galaha Adeegga Garsoorka) waxay jideynaysaa in Ururka Qareennada Soomaaliyeed soo magacaabayo Labo Qareen sare oo ka tirsan Ururka oo xilka haynaya muddo Afar Sano ah.
Haddaba, Ururka Qareennada Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in shanta xubnood ee ay magacaabeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda xil-gaarsiinta aysan ka tirsanayn Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo Ururrada Qareennada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sidoo kale aysan ka mid ahayn qareennada ku qoran diiwaanka Qareennada ee (ALBO), sidaasi darteedna habraaca magacaabiddoodu uu noqonayo mid baal-marsan Dastuurka iyo Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.
Ururka Qareennada Soomaaliyeed isagoo la tashanaya Ururrada Qareennada Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka wuxuu u gudbin doonaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.