Monday, June 23, 2025

Muqdisho: Xuska maalinta Xoogga Dalka oo lasoo hormariyey & wadooyin xirnaa oo lasii xiray

Munaasabada 59-guurada aasaaska Ciidamada Xoogga dalka oo ku beegnayd 12-ka April ayaa maalin lasoo hormariyey markii ay noqotay maalin Jimce ah, waxaana la xiray wadooyinka magaalada Muqdisho oo intooda badan ay u xirnaayeen ciidamada Booliska oo howlgal ka wada muddo 2 toddobaad ah.

Xuska maalinta ciidamada ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha iyo saraakiisha sare ee ciidamada iyadoo ka dhaceysa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, halkaasoo lagu soo bandhigo fantasyo, gaada-ka cayaar iyo riwaayado loogu talogalay maalintan.

Lama oga sababta keentay in la soo hormariyo xuska maamlinta ciidamada milateroga oo maalin shaqo loo soo wareejiyo, laakiin waxaa si weyn loo adkeeyay Ammaanka magaalada Muqdisho iyadoo la xiray waddooyinka caasimadda oo hore u xirnaa, kuwaasoo la sii adkeeyay, waxayna dadku adeegsanayaan lugtooda.

Ad

HOOS KA DAAWO



Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON