Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee Koofiyad-Casta ay saaka xireen wadadda muhiimka ah ee Maka Almukarama.
Isku gaadiidka ee Jidkaasi ayaa la joojiyey iyadoo ciidamo fara badan la dhoogay Madaxtooyada Soomaaliya iyo dhammaan isgoysyada wadaddaasi ilaa KM 5, waxaana wararku sheegayaan in maanta la furayo wasaarad dib loo dhisay.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in loo xiray wadadda, isagoo xariga ka jaraya xarunta wasaeradda Beeraha, waana markii saddexaad ee jidadka loo xiro Rooble, laguna soo beegmo xilliga subaxnimadii ee shaqooyinka, waxbarashada iyo Ganacsiga la aado.
Xeritaanka wadooyinka Muqdisho ayaa caadi u ah madaxda dowladda, iyadoo saacado ay ku xayirmaan dadweynaha iyo ganacsiga.
