Musharaxa xilka Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) ayaa shaaciyay go’aanka xisbigiisa ka qaatay muddo kordhinta Golaha Guurtida Somaliland shalay u sameeyeen madaxweynaha maamulkaasi ee Muuse Biixi Cabdi.
C/raxmaan Cirro ayaa shir jaraa’id uga dhawaaqay inay xaaraan iyo sharci darro tahay muddo kordhinta loo sameeyay Muuse Biixi, isla markaana wixii ka dhasha muddo kordhintaasi uu mas’uuliyadeed qaadi doono Muuse Biixi.
“Muddo xileedka Muuse Bixii wuxuu ku egyahay 13-ka November 2022, wixii markaas ka dabeeya madaxweynaha iyo xukuumadiisa uma aqoonsan doono kuwa sharciyad ku fadhiya. Hal Xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho. Sidaas darteed xisbiga Waddani wuxuu qaadacayaa muddo kordhintaas xaaraanta iyo sharci darrada ah” ayuu yiri Musharax C/raxmaan Cirro.
Wuxuu ku eedeeyay Muuse Biixi inuu diiday, wadahadal, heshiis iyo dhammaan dadaaladii la waday iyo taladii Ganacsatada, inuusan Xisbiga Waddani marna aqbali doonin Kororsiimo xaaraan ah.
Musharaxa Xisbiga Waddani wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in Guusha ay maanta u dhowdahay dhinacooda, ayna u diyaar garoobaan doorasho madaxweyne, dariiq kasta oo ay u maraan.
